Wararka

Somalia ayaa taageersan heshiis laga gaaro muranka Nile iyo xalka nabadeed ee Libya…


Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay taageersan tahay in heshiis nabadeed laga gaaro muranka webiga Nile ee ka dhexeeya Masar, Ethiopia iyo Sudan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Amb, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay inuu ka qeyb galay laba kulan oo Jaamacadda Carabtu kaga hadlaysay xaaladda iska horimaadka Liibiya iyo muranka biyo xireenka Nile.

Amb, Cawad, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya taageersan tahay xalka nabadeed ee Libya. Ma sheegin inay dowladdu la safan tahay ama taageersan tahay dhinac kamid ah dhinacyada ku hardamaya dalka Libya, hase yeeshee dalalka ka aamusay warmurtiyeedka Jaamacada Carabta ee arrinta Libya waxay kala yihiin Libya, Tunisia, Qatar iyo Somalia.

“Sida aan ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale arrin horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia inay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka, islamarkaana gaaraan heshiis u wada faa’iideynaya Masar, Sudan iyo Ethiopia,” ayuu yidhi wasiir Cawad.

Masar ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay soo dhex galaan muranka qotada dheer ee kala dhexeeya Itoobiya ee ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Nile.

Addis-Ababa ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu bilaabayo inay biyaha soo galaan oo ay buuxiso biyo xireenkeed bilowga bisha July heshiis ama heshiis la’aanba.

Masar iyo Itoobiya ayaa laga baqayaa inay isu adeegsadaan tallaabooyin militari haddii heshiis laga gaari waayo wadahadalada, iyadoo labada dal ay isku tuurtuurayaan in midba midka kale uu ka dambeeyo fashilka wadahadalada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: