Wararka

Kooxda Liverpool ayaa u dabaaldegtay hanashada koobkoodii 19aad ee horyaalka Ingriiska…


Ciyaartoyda kooxda Liverpool ayaa u dabaaldegtay hanashada koobabkoodii Premier League markii 19aad ee taariikhda kooxda waana markii ugu horeysay tan iyo markii uu bilowdey tartamada nidaamka cusub ee “Premier League”.

Qaar badan oo ka mid ah ciyaartooyda kooxda ayaa indhaha ku hayey ciyaartii dhex mareysay Chelsea iyo Manchester City, laacibiinta daawanayey ciyaartaasi ayaa ka mid ahaa kabtanka reer Dutch Virgil van Dijk, kadibna waxaa bilowday sawaxanka iyo farxada kadib markii garsooraha uu ku dhawaaqay dhamaadka ciyaarta, iyadoo Chelsea ay ku guuleysatay 2-1.

Liverpool ayaa dib u soo ceshatay ku guuleysiga Premier League kaasi oo ka maqnaa khasnadeeda 30 sano, waxayna ku xoojisay booskeeda kaalinta labaad liiska kooxaha ugu guulaha badan ee tartankan, iyadoo hal koob kaliya ay ka dambeyso kooxda Manchester United oo ku guuleysatay horyaalka 20 jeer, halka Arsenal ay ku jirto booska saddexaad ee liiska iyadoo leh 13 koob ilaa iyo haatan.

Kadib markii ay gaartay ciyaartii Chelsea- ManCity waqtiga yar ee lagu daro markii 90ka daqiiqo dhamaado ee garoon aan taageerayaasha joogin ee London oo 350 km u jira garoonka Anfield ayaa taageerayaasha Liverpool waxay bilaabeen damaashaad iyo dabaaldeg.

Taageerayaashu waxay u soo baxeen inay dabaaldegaan, in kasta oo ay jirto xanibaada isu imaatinka si looga fogaado inuu ku dhex faafo cudurka coronavirus dadka.

Tababaraha Jarmalka ee kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ugu yeeray taageerayaasha kooxda inay ku dabaaldegaan guryahooda oo ay u hogaansamaan awaamiirta caafimaadka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: