Wararka

Madaxda Dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ku leh Gaalkacyo…


Madaxda Dowlad goboleedyada Puntland & Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan ku leh xarunta Madaxtooyada waqoyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kulankan ayaa maalmihii la soo dhaafay qaban-qaabadiisu ka socotay Gaalkacyo oo si weyn looga hadal hayay, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan xiriirka labada maamul, amniga magaalada Gaalkacyo, wax ka qabashada colaad beeleedyo ku soo laalaabtay degaano ka tirsan gobolka Mudug iyo qodobo kale.

Waxaa kulankan uu ku soo aadaya xili uusan fiiceyn xiriirka Puntland iyo Dowlada Federaalka, halka dhinaca kale maamulka Galmudug uu si weyn ugu dhow yahay dowlada dhexe, waxaana laga dhur sugayaa waxyaabaha ka soo baxa kulankooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10579 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: