Wararka

Ardayda Dugsiyada sare ee Maamulka Somaliland ayaa u fariistay Imtixaanka Shahaadiga…


Arday ka badan toban kun ayaa u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare ee maamulka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista Imtixaanka.

Wasiirka ayaa la hadlay ardayda kahor inta aan loo qaybin warqadaha Imtixaanka, isaga oo kala hadlay ilaalinta shuruucda iyo xaaladaha looga feejignaanayo faafitaanka Cudurka dilaaga ah ee COVID-19.

Daah furka Imtixaanka oo lagu qabtay Dugisga sare ee Muuse Yuusuf ee Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxa uu ka shaaciyay in sida loo qorsheeyay uu u socon doono gelista Imtixaanka.

Shuruudaha lagu galayo waxa uu Ardayda uu la hadlay u sheegay in guud ahaan Gobollada Somaliland ay ka siman yihiin.

Ardayda ayaa la kala fogaayay, waxaana la dhimay tirada fasalada ay ku gali jireen, Arday waliba waxaa la siiyay Agabka Afka iyo sanka daboola (Face Mask), Gacan gashi iyo agab kale oo looga hartagayo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Guddiga la dagaalanka Covid-19 ee Somaliland ayaa todobaadkii tagay ku dhawaaqay in la qaaday Xayiraad waliba oo ka dhalatay cudurka Coronavirus, inkasta oo aan guud ahaan deegannada maamulkaas ka dhamaan Cudurka Covid-19.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: