Wararka

Askari sideed sano ka hor dil geystay oo baxsad ahaa ayaa la soo xiray si loo marsiiyo cadaalada…


Taliska Ciidanka Booliska Somalia ayaa maanta shaaciyey in la soo xiray askari ka tirsanaa ciidankaas oo 8 sano ka hor ku dilay Muqdisho labo haween oo uur lahaa.

Dable Abshir C/llaahi Basey ayaa bishii Maarso ee sanadkii 2012 ku dilay Suuqa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho Dabaho Calasow oo ka mid aheyd ganacsatada rootiga iibiya iyo Nimco Xasan Cali oo wax ka iibsaneysay.

Goob joogayaal xiligaas ku sugnaa goobta ayaa sheegay in askariga uu kun shilin oo ka dhinaa 3 kun oo uu weydiistay marxuumada rootiga iibin jirtay darteed uu u dilay hooyooyinkan oo labada uur lahaa.

“Dabagal iyo baaritaan ay sameeyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayey ugu dambeyn ku soo qabteen askariga 8-da sano ka hor geystay dilka labada haween ka dib dacwad ay u soo gudbiyeen ehelada labada marxuum” ayuu yiri afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa uu intaas ku daray in askarigan ay haatan ku socoto baaris, lana horgeyn doono Maxkamada ku shaqada leh dhowaan si cadaalada uu u wajaho, waxaana talaabadan si weyn u soo dhoweeyey ehelada labada marxuum oo muddo dheer sugayey iney cadaalad helaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: