Wararka

Baarlamaanka Somalia ayaa ansixiyey in 13 kursi laga siiyo gobolka Banaadir Aqalka sare…


Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay in 13 kursi oo dheeraad ah lagu kordhiyo golaha Aqalka sare, si ay matalaad ugu noqdaan gobolka Banaadir, oo aan xilligaan wax matalaad ah ku lahayn golahaas.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ansixiyay xeerka matalaada Gobolka Banaadir waxaana xeerkan haa ugu codeeyay 142-Xildhibaan 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Matalaada gobolka Banaadir waxay ka dambeysay kadib markii xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya ay barlamaanka horgeeyeen mooshin ku aadan in 13 kursi oo Aqalka sare ah lasiiyo gobolka Banaadir.

Tirada xubnaha Aqalka sare oo awal hore ahayd 54 xubnood, ayaa noqon doonta 67 xubnood.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: