Wararka

Dadka heysta baasaboorada Midowga Yurub ayaa qaadan kara baasaboorka Norwijiga haday…


Sharci cusub oo hirgalay sannadkan bilowgiisa kaas oo dhigaya in baasaboorka norwijiga ay qaadan karaan dhammaan dadka kasoo jeeda waddamada ku bohoobay Midowga Yurub kuwaas oo haysta baasaboorrada waaweyn, waxaana bilo kooban gudohooda codsaday dad ka badan 26.000 kun oo ruux.

Sidaas si la mid ah ayay muwadiniinta haysta baasaboorka norwijiga iyana codsan karaan dhalasha waddan kale oo Midowga Yurub ka tirsan.

Sida ay shaacisay hay’adda soogalootiga ee UDI waxaa sare u kac ku yimid dadka dalbanaya baasaboorka norwiijiga kuwaas oo horay u ahaa ilaa 14.000 oo ruux, iminka uu marayo 40.000 oo ruux.

UDI ayaa ilaa iyo iminka aqbashay codsiyada ilaa 14.000 oo ruux, waxaana 26-ka kun ee kale lagu wargeliyay in ay ku xisaabtamaan sugidda wakhti dheer inta laga qiimeynayo codsiyadooda.

Dadka qaadanaya baasabooradda ayaa waxaa loo ogolaanayaa in ay isku haysan karaan laba baasaboor taas oo ka dhigan in eysan lumineyn mid ka mid ah baasabooradooda.

Intii laga qaaday baasabooradoodii hore ayaa iminka dib loogu celinayaa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: