Wararka

Facebook ayaa shaacisay in ay la dagaalameyso qoraalada cayda iyo naceybka xambaarsan…


Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday in ay raaceyso tallaabada ay shirkadda dhiggeeda ah ee Twitter qaaday taas oo ay kula dagaalameyso qoraallada cayda iyo naceybka xambaarsan, sida uu sheegay milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg.

Twitter ayaa dhawaan qarisay qoraal uu soo dhigay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaas oo ay ku sheegtay in uu ahaa mid hanjabaad xambaarsanaa.

Sarkaal u hadlay shirkadda Twitter ayaa warbaahinta u sheegay in ay xayiraad saareen qoraalkan maadaama uu jabinayo shuruucda u dagsan shirkadda.

Facebook ayaa tallaabadan ku kordhineysa in ay sidoo kale la dagaallameyso qoraallada aflagaadada iyo shakhsiyaadka soo qora, waxaana ay sheegtay in tallaabadan qaadayaan si loo dhowro sharafka macaamiisha iyo shirkadaha wax ku xayeysiista bogga facebook.

Facebook ayaa la kulantay dharbaaxooyin ay ku dhufteen shirkado waaweyn markii ay kala noqdeen in ay ku xayeysiistaan barahooda, iyadoo tii ugu dambeysay ay aheyd shirkadda Coca-Cola.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: