Wararka

Sudan iyo Masar ayaa sheegay in Ethiopia aysan si iskeed ah u buuxin doonin biyo xireenka lagu…


Hogaamiyaasha Sudan, Ethiopia iyo Masar ayaa isku raacay in Ethiopia aysan bilaabi doonin buuxinta biyo xireenka ay ka dhistay webiga Nile, iyadoo aan heshiis la gaarin muddo labo toddobaad gudahood ah, sidaasina waxaa Jimcihii shaaciyey dalalka Sudan iyo Masar.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku aaddan oo si deg deg ah uga soo baxay Addis Ababa, oo iyadu horey u sheegtay in ay bilaabi doonto buuxinta biyo xireenkan weyn ee ay ka dhistay meel 15 km u jirta xadka ay la wadaagto Sudan. Biya xireenkan ayaa laga dhisayaa webiga Nile ee buluugga ah oo ah isha biyaha ugu badan ee webiga Nile.

Madaxtooyada Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia aysan si iskeed ah u buuxin doonin biyo xireenkan, waxaana warkan uu yimid ka gadaal markii hogaamiyaasha sedexdan dal iyo Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, oo ah gudoomiyaha Midowga Afrika ee waqtigan ay yeesheen shir dhexmaray oo u dhacay qaab muuqaal ah.

Ra’isal wasaaraha Sudan, Abdalla Hamdok, ayaa sheegay in hogaamiyaashu ay isla garteen in dib loo bilaabo wadahadalladii hakaday isbuucii hore, sida ay wakaalada wararka ee Sudan ku warameyso.

Wakaaladda ayaa intaa ku dartay in wadahadallo u dhexeeya guddiyo farsamo ay dib u bilaaban doonaan.

Ethiopia ayaa ku adkeysatay in ay ku buuxin doonto biya xireenkan biyaha xilli roobaadka bilaaban doona bisha soo socota, laakin Masar ayaa baaq u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taasi oo ah tallaabadii ugu dambaysay ee diblomaasiyadeed.

15-ka xubnood ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa in ay Isniinta yeeshaan kulan guud, taasi oo uu ku baaqay Mareykanku oo taageeraya dalabka ka yimid dalalka Masar iyo Sudan ee ahaa in Golaha Ammaanku uu soo farageliyo ismari waaga arrintan ka taagan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: