Wararka

Xaliimo: Suuragal maaha in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod oo waqtigeeda ku dhacda…


Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo maanta hor-tagtay Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in aan dalka hadda laga qaban Karin doorasho qof iyo cod ah sidaasi darteed uu Guddiga doorashada u baahan yahay in la siiyo waqti dheeraad ah.

Waxay tilmaantay in ay u baahanyihiin 13 bil oo dheeraad ah oo ka billaabaneysa Bisha July sanadkaan 2020-ka , kuna eg’ Agosto 2021-ka .

“Suura-gal maaha markii aan eegno waaqiciga maanta in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda” ayey Xaliima Yarey ka hor sheegtay Baarlamanka Soomaaliya

“waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka” ayey mar kale sheegtay.

Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in uu la kulmay caqabado ay kamid yihiin Dowlad Goboleedyada, ammaanka iyo arrimo dhaqaale la xiriira sida ay hadalka u dhigtay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa horay ugu adkeysan jirtay in dalka laga qaban karo doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay dhaliilsanaayeen sida ay u suura-geli karto xubno kamid ah saamileyda siyaasadda oo ay qeyb ka yihiin axsaab badan oo mucaarad ah, kuwaas oo ka digayay in la sameeyo muddo korarsi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: