Wararka

Maamul goboleed dalbaday in la joojiyo fadhiyada baarlamaanka haddii kale ku hanjabay…


Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mid kamid ah maamul goboleedka Soomaaliya uu ku hanjabo haddii aan la joojin fadhiyada barlamaanka in aysan kasoo qeyb gali doonin shirka iskaashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacaya July.

“Mid kamid ah state-yada ayaa soo qoray haddii madaxweyne Farmaajo uu joojin waayo fadhiyada barlamaanka in aysan shirka imaan doonin, bal luqadaas hala fasiro,” ayuu yidhi guddoomiyaha barlamaanka.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay barlamaanku inuu haysto shaqadiisa dastuuriga ah islamarkaana uusaan jirin awood madaxweyne Farmaajo ku joojin karo ama uu wax kaga bedeli karo fadhiyada guud ee golaha shacabka.

Hadalka guddoomiyaha Barlamaanka ayaa kusoo aadaya, kadib markii dhawaan dowlad goboleedka Puntland uu sheegay in uusan aqoonsanaan doonin sharciyada uu meel mariyay iyo kuwa hadda horyaala Barlamaanka Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: