Wararka

Midowga Yurub ayaa aaminsan baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo laga gaaro…


Midowga Yurub, ayaa soo dhoweeyay warbixinta Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Somalia uu ka jeediyay Barlamaanka Somalia, balse waxay ku adkaysanayaan baahida loo qabo isafgarad siyaasadeed oo laga gaaro arrimaha doorashada.

Midowga Yurub ayaa sheegay tallaabada ugu wanaagsan oo go’aan midaysan lagu gaari karo inuu yahay shirka wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka, kaasoo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sidoo kale ku baaqday wadatashi ballaaran oo dhexmara hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gaaraan heshiis ku saabsan mustaqbalka.

Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay midna masoo hadal qaadin muddo kordbinta uu guddiga doorashada ku baaqay, si loo gaaro doorasho qof iyo cod.

Si kastaba ha ahaatee, Barlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu go’aan ka gaaro muddo kordhinta uu soo bandhigay guddiga doorashada.

Shabakda Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: