Wararka

Ururka Saxafiyiinta S/land ayaa tallaabo sharci darro ah ku tilmaamay joojinta telefishanka…


Ururka Saxafiyiinta Soomaaliland ee SOLJA, ayaa tallaabo sharci darro ah ku tilmaamay go’aankii shaqada looga joojiyay telefishinka madaxa bannan ee Universal Tv xafiiskiisa Somaliland uu ku lahaa.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay go’aanka shaqada looga joojiyay Universaltv inuu ka dhashay kadib markii ay diideen inay baahiyaan hadal jeedinta madaxweynaha Somaliland, xilli uu ka hadlayay munaasabada 60 guurada markii gobolada waqooyi ay xurnimada ka qaateen Ingriiska.

Guddoomiyaha Solja, Maxamuud Xuute, ayaa sheegay in aysan jirin qoraal rasmi ah oo lagu sababeeyay shaqo ka joojinta Universal, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in wasiirka warfaafintu saxaafada ku caburinayo wax aan xaq loogu lahayn.

“Waa wax aan la aqbali Karin in xukuumada ciidamo dul gayso xarun warbaahineed iyadoo weliba sifo aan sharci ahayn ku xirtay,” ayuu yidhi Xuute.

Gudoomiyaha oo tixraacayay hadalka wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in aan warbaahinta madaxa bannaan xaq loogu lahayn inay siidaayaan warbixinta madaxweynaha, haddii uusan jirin heshiis horey looga gaaray.

“Haddii Universaltv lagula heshiiyay inay tebiyaan hadalka madaxweynaha, waa qalad xagooda ah oo lagu dacwayn karo, balse haddii aanu heshiiskaan jirin ma jirto sababo loogu qasbi karo inay tebiyaan hadalka madaxweynaha,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dastuurka Somaliland, ayaa dhigaya in Saxaafadda aan caburin lagula ma kici karo, ay ka reeban tahay wax kasta oo loo qaadan karo faaf-reeb (censorship).

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: