Wararka

Xubno mucaaradka S/land ka tirsan oo ka mid noqday komishanka doorashooyinka oo la meel…


Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa waxay saakay yeesheen kulankoodii caadiga ahaa iyagoo meel mariyay laba xubnood oo mucaaradka Somaliland usoo magacaabeen in lagu daro komishanka doorashooyinka madaxa bannaan, xubnahaas oo ay horay u diideen in ay ansixiyaan.

Maxamed Saciid Dalmar oo uu Xisbiga Ucid soo magacaabay ayaa saaka hortagay Golaha wakiillada, waxaana codkooda siiyay guud ahaan 51 mudane oo madasha fadhiyay, halka Cabdifataax Ibraahim Shiikh oo ka socday Xisbiga Waddani xildhibaanna gaaraya 49 mudane ay u codeeyaan, ma jirin cid diidday , laakiin waxaa ka aamusay 2 mudane.

Bishii Maarso ayaa waxa uu aqalkaan diiday meel marinta xubnaha uu maanta ansixiyay, hase-ahaatee maanta ayeey mar kale ansixiyeen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: