Wararka

Tababaraha Ajax ayaa uga digay dhiggiisa Chelsea la macaamilka laacibka Hakim Ziyech…


Tababaraha kooxda Ajax Amsterdam Eric ten Hag ayaa uga digay dhiggiisa Chelsea Frank Lampard la macaamilka weeraryahanka reer Morocco Hakim Ziyech, kaasoo ku biiri doona kooxda Ingriiska maalmo gudahood.

Ziyech wuxuu maamuus gaar ah ka helay maamulka kooxda Ajax ka dib markii uu la qaatay tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda oo uu la joogay 4-ta xilli ciyaareed.

Hag ayaa u sheegay website-ka Ajax in Ziyech uu “mararka qaar uu ku yahay kaabuus ama dhibaato tababarayaasha”, laakin wuxuu sheegay inuu siiyey tilmaamaha ugu fiican oo lagula macaamiloon karo, Weeraryahanka reer Morocco ayuu ku sheegay inuu u baahan yahay in la siiyo fursad uu ku cabiro nafsadiisa inta tababarka uu socdo.

Wuxuu intaas ku daray, “Ziyech waa qof madax adag, laakiin taaasi ayaa ka dhigtay qof caqli badan. Wuxuu arkaa waxyaabo uusan cid kale arkin. Haddii uu helo fursad uu ugu ciyaaro sida uu jecel yahay, waad arki doontaa horumarkiisa.”

Tababaraha Ajax ayaa ku tilmaamay Ziyech inuu tusaale u yahay dhalinyarada Ajax, maxaa yeelay wuxuu u dhaqaaqi doonaa koox weyn ka dib mustaqbal wanaagsan oo uu la qaatay kooxda reer Holland.

Chelsea ayaa la saxiixatay Ziyech, oo 27 sano jir ah heshiis lagu qiimeeyay 40 milyan oo euro, wuxuuna ku biiri doonaa kooxda Ingiriiska horraanta bisha soo socota kadib 4 sano oo uu la joogay Ajax wuxuuna kula guuleystay 3 koob oo maxalli ah, wuxuu dhaliyay 48 gool, wuxuuna baasay 82 baas oo muhiim ah intii lagu jiray 165 kulan oo uu u ciyaaray kooxda reer Holland dhamaan tartamada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: