Wararka

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka dadka kula wadaagay muuqaal ay dad badan dhibsadeen…

President Donald Trump walks on the South Lawn after arriving on Marine One at the White House, Thursday, June 25, 2020, in Washington. Trump is returning from Wisconsin. (AP Photo/Alex Brandon)

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka dadka kula wadaagay muuqaal muujinaya mid ka mid ah taageerayaashiisa oo ku dhawaaqaya “awoodda dadka caddaanka ah”.

Qofkan ayaa waxaa uu kamid ahaa koox ka qeyb qaadaneysay ololaha Trump ee Florida.

Ereyadaas oo loo fasirtay mid madaxwynaha uu ku weyneynayo awoodda caddaanka ayaa timid xilli dalka Mareykanka ay ka taagan tahay xiisad la xiriirta cadaalad darrida ku saleysan midabka.

Trump ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay oo ay kamid tahay in xiisadda midabka ee ka taagan Mareykanka uu doonayo in uu ka faa’ideysto.

Muuqaalka ayaa waxaa kasoo muuqday dad isaga taageersan iyo kuwa kasoo horjeedo oo hadalo xanaf leh ku dhawaaqaya.

Haseyeeshee Trump ayaa markii dambe muuqaalkaas ka saaray bartiisa Twiter-ka. Afhayeen u hadlay madaxweynaha waxaa uu sheegay in marnaba muuqaalka aanu ka maqlin qof ku dhawaaqaya ereyada la dhibsaday.

Judd Deere oo ah afhayeenka aqalka cad ayaa sheegay “in madaxweynaha uusan maqlin ereyada ku jira muuqaalka, balse ay u muuqatay kalgaceylka taageerayaahsiisa”.

Xoghayaha caafimmaadka iyo adeegga bulshada ee Mareykanka ayaa telefishenka CNN u sheegay in madaxweynaha, maamulkiisa iyo isagaba aanay ku dhaqaaqeynin wax taageeraya kooxaha ay la weyn tahay caddaanimada.

Madaxweyne Trump ayaa horay dhaleeceeyn noocan oo kale ah ula kulmay, kadib markii lagu eedeeyay in uu bartiisa Twitter-ka kala kulmay waxyaaba naceyb ku saleysan.

Sanadkii 2017-ka, waxaa uu sidan oo kale dadka la wadaagay muuqal muujinaya kooxaha midigta fog ee Britain oo ku dhawaaqaya hadalo ay dad badan dhibsadeen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: