Wararka

Bangiga Adduunka ayaa Somalia u ogolaaday mashruuc ku kacaya $40 milyan oo wax…


Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday mashruuc ku kacaya $40 milyan oo ah Kaalmada Horumarineed ee Caalamiga ah (IDA) oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka Waxqabadka Degdegga ah, si wax looga qabto khatarta Ayaxa iyo xoojinta nidaamyada u diyaarsanaanta dalalka dhibaatadu ka jirto ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Duullaanka Ayaxa ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay hab nololeedka ugu yaraan 2.6 milyan oo ku nool afartan iyo saddex degmo oo ka tirsan Soomaaliya.

“Khatarta duulaanka Ayaxu waxay sii xumaynaysaa dhibaatada bina-aadamnimada ee ka jirta Soomaaliya isla markaana horseedaysa helitaanka cunno yari, dakhli lumis iyo iskahorimaad ku saleysan kheyraadka,” ayuu yiri Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo.

Mashruucaan wuxuu taageeri doonaa ku dhawaad 100,000 oo qoys oo helidoona caawimaad lacageed si ay u helaan cunno awood u siinaya inay ilaashadaan hantidooda inta lagu jiro dhibaatada.

“Waxaan taageereynaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay dejiso nidaam ilaalin bulsheed oo hoos yimaada barnaamijka Baxnaano kaasoo si dhaqso leh uga jawaabi kara si looga ilaaliyo beeraleyda iyo xoola dhaqatada, inay ku dhacaan heerar qoto dheer oo cunno yari, iyo sidoo kale ka hortagga iibka iyo luminta hantidooda wax soo saar,” ayuu yidhi Felipe Jaramillo.

Ku dhawaad boqolkiiba 70 dadka Soomaalida ah ayaa ku nool heerka ugu hooseeya ee saboolnimada iyadoo saboolnimada ay aad ugu sii badan tahay meelaha miyiga ah, taasoo ka dhigeysa Soomaaliya dalka saddexaad ee ugu saboolsan gobolka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: