Wararka

Interpol ayaa sheegtay in ayna shaqo ku laheyn codsiga Iran ee lagu soo xirayo Trump…


Sarkaal ka tirsan hay’adda Interpol ayaa ka hadlay amarka lagu soo xireyo Donald Trump ee ka soo baxay Iran Isniintii, iyagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Jeneral Qassem Soleimani ee ka dhacay Baghdad 6 bilood ka hor.

Sarkaal ka tirsan warbaahinta INTERPOL ayaa sheegay in hay’adu aanay shaqo ku lahayn arrimaha noocan ah oo leh dabeecadda siyaasadeed.

Shabakadda “CNN” ayaa ka soo xigatay mas’uulka warbaahinta asaga oo yiri, “Sida ku xusan qodobka III ee dastuurka Interpol, wuxuu ururku si adag uga mamnuucayaa inuu farageliyo howlaha leh dabeecada siyaasadeed, militari, diin ama qowmiyadeed.”

“Sidaa darteed, markii loo soo diro mid ka mid ah codsiyadan Xoghaynta Guud, iyada oo la raacayo qodobbada dastuurka iyo qawaaniintayada, INTERPOL ma tixgelin doonto codsiyadaas,” ayuu raaciyay.

Marka laga hadlayo Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka ee Iran, Brian Hook, wuxuu u arkaayay amarka maxkamadeed ee xiritaanka Trump inuu yahay xeelad siyaasadeed si Iran looga dhigo doqon. Wuxuu yidhi, “Interpol ma faragalineyso ama ma soo saareyso waaran casaan ah oo ku saleysan arrimaha leh nooca siyaasadeed, kuwanuna waa mid leh dabeecad siyaasadeed.”

Kol hore ayaa Iran waxay soo saartay amar lagu soo xirayo Trump iyo 35 sarkaal oo Mareykan ah, waxayna Interpol ka codsatay inay gacan ka geysato fulinta xarigooda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Iran wuxuu go’aansaday asal ahaan asagoo ku eedeynaya Trump iyo kuwa kale inay ka dambeeyeen duqeyn loo adeegsaday diyaarad Drone ah oo lagu dilay jeneraal sare oo reer Iiraan ah oo ku sugnaa caasimada Baqdaad.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: