Wararka

Weriye u shaqeysa CNN Brazil oo toos hawada ugu jirta oo dhac loo geystay iyadoo loo…


Wariye u shaqeynaysay CNN, Brazil, ayaa la kulantay xatooyo loo adeegsaday mindi iyadoo si toos ah ugu jirtay hawada.

Saxaafadda Brazil ayaa sidoo kale sheegtay in wariye Bruna Macedo la kulantay maalintii Sabtiga dhac iyada oo tebin toos ah ku jirtay meel u dhow Qantara ee Sao Paulo.

Sida fiidiyowga uu muujiyay, suxufiyada ma muujin wax iska caabin ah, waxayna telefoonkeedii ku wareejisay qofkii soo weeraray.

Daqiiqado kadib dhacdada xatooyada ayaa soo saaraha wararka u xaqiijiyey daawadayaasha in weriyaha ay nabad qabto oo aysan kala kulmin wax dhibaato ah tuuga soo weeraray, waxayna dhacdadan oo dacwo ah u gudbin doontaa booliska.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: