Wararka

Pizza lagu xardhay calaamada cunsuriga ee Hitler ayaa labo qof ku waayay shaqadooda…


Labo ka mid ah shaqaalaha maqaayadda “Little Caesars” ayaa shaqadooda waayay kadib markii ay Pizza ay ku xardheen calaamadda cunsuriga ee Hitler ka iibiyeen nin macaamil ah.

Macaamilka ayaa layaab la kulmay markii uu qoyskiisa uga tagay pizza-ha oo uu daboolka ka qaaday, waxaana uu ku arkay wax ka fajaciyay – dabcan calaamadda cunsuriga.

Jason Laska oo ah ninka pizzahan laga iibiyay ayaa islamarkiiba kusoo ceshay maqaayadda, waxaana uu u dacwooday maamulka oo uu ku wargeliyay.

Maqaayaddan ayaa caan ka ah Mareykanka, waxaana ay guud ahaan leedahay in ka badan shan kun oo maqaayadood.

Jill Proctor oo ah mas’uul u hadlay maqaayadda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka daba tageen cidda ka dambeysay falkan ayna shaqada ku waayeen isla goobta.

Waxa uu intaa raaciyay mas’uulkan in maqaayadda aysan u dulqaadan doonin nooc walba oo cunsurinimo ah, ha yaraado ama ha weynaado.

Maamulka maqaayadda ayaa la xiriiray Jason Laska, waxaana ay ku wargeliyeen in la eryay dadkii falka ka dambeeyay, iyagoona raalligelin buuxda siiyay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: