Wararka

Sawir dhaqaajiyey quluubta dadka oo abuuray murugo iyo uur ku taalo ayaa qabsaday baraha…


Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ee dalka Hindiya iyo guud ahaan caalamka qabsaday Sawir muujinaya ilma yar oo da’diisa lagu qiyaasay saddex jir oo ku dul fadhiya meydka awoowgii oo lagu hor dilay.

Ilmahan yar oo lagu magacaabo Ayad ayaa la sawiray isagoo ku dul ooynaya meydka awoowga oo qoyskiisa ay sheegeen inay dileen ciidamada Hindiya ee Kashmir.

Sawirkan oo murugo iyo caro badan dhaliyay ayaa la qaaday xilli dagaal u dhaxeeya ciidamada Hindiya iyo koox ka soo horjeeda uu ka socday magaalada Sopore ee Kashmiir qeybta Hindiya ay maamusho.

Waxaa sawirka laga dheehan kara canugga yar oo wajigiisa argagax ay ka muuqato, awoowgii oo meyd ahna ku dul oynaya, Hase yeeshee booliska dalka Hindiya ayaa iyaguna soo bandhigay sawir kale oo ay sheegeen in ilmahaas yar ay kasoo badbaadiyeen goob ay ku dirirayeen booliska iyo koox ay argagixiso ku tilmaameen.

Sawirada ay soo bandhigeen booliska ayaa muujinaya Ayad oo la socda sarkaal boolis ah, sawirkaas oo ay ku tilmaameen in uu caddeyn u yahay sida booliska ay usoo badbaadiyeen, balse Dad badan waxay sheegashada booliska ku tilmaameen borobagaando ay ku doonayaan inay ku jahwareeriyaan xaaladda dhabta ah.

Suhail Axmed oo uu dhalay odayga la dilay ayaa warbaahinta maxalliga ee dalka Hindiya u sheegay in aabihii oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Khan laga soo saaray baabuur uu watay, kadibna lagu hor toogtay ilmaha yar ee la socday.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: