Wararka

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dileen Xildhibaan ka tirsanaa Hirshabeelle oo ay gaari kala…


War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay dileen Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle oo ay saakay ka afduubteen duleedka degmada Balcad.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahno katirsan kooxdooda saakay gaari uu la socday kala degeen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo kasoo baxay magaalada Jowhar kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan Al Shabaab dileen ayaa saakay lagala degay gaari uu kasoo raacay magaalada Jowhar xili uu marayay duleedka degmada Balcad, waxaana xildhibaankan la dilay uu kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa marar badan inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad weerar ay ka fuliyeen ugu dileen Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo katirsanaa maamulka Hirshabelle ee xaruntiisu tahay magaalada Jowhar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12931 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: