Wararka

Ciidamada Dowlada ayaa rasaas ku kala eryey banaan baxayaal ka soo horjeeda in dib loo…


Magaalada Muqdisho waxaa saaka laga dareemayaa xiisado kacsanaan ah, kadib markii Ciidamada Dowladda ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal iskugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon iyagoo kasooo horjeeda dib u dhaca doorashada.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegayaa inay wadaan abaabulka mudaharaad balaaran oo looga soo horjeedo in doorashada waqtigeeda dib uga dhacdo.

Ciidamada Dowladda ayaa rasaas ku kala eryayay mudaharaadyaasha oo watay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah dowladda.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo barlamaanka Soomaaliya todobaadkaan lagu wado inuu go’aan ka gaaro in doorashada dib loo dhigo 13 bilood kadib.

Qorshahan dib u dhigida doorashada waxaa uu ka yimid guddiga doorashada oo sheegay in aan doorasho qof iyo cod lagu qaban Karin waqtiga u harsan xukuumada haatan jirta iyo barlamaankeeda.

Ururada mucaaradka ayaa ka digay in doorashada dib loo dhigo iyagoo sheegay in wixii ka dhaca ay mas’uul ka tahay madaxda Dowladda Federaalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11369 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: