Wararka

Fanaanadii ama Aktaradii weyneyd ee reer Masar Rajaa El-Jeddawi oo maanta geeriyootay…


Fanaanada ama Aktarada weyn ee reer Masar Rajaa El-Jeddawi ayaa geeriyootay maanta oo Axad ah, iyadoo jirtay da’da 82, waxayna u geeriyootay sababo la xiriira cudurka ‘Covid-19’, iyadoo lagu daweynayey Isbitaalka karantiilka ee “Abu Khalifa” ee kuyaala gobolka Ismaaciliya.

Amira Mokhtar oo ah gabadha kaliya ee Rajaa El-Jeddawi ayaa waxay ku dhawaaqday geerida hooyadeed, ka dib markii uu ku dhacay coronavirus.

Aktaradan ayaa loo wareejiyay Isbitaalka daryeelka degdegga ah ee karantiinka ah 43 maalmood ka hor, waxaana ku rakibnaa mashiinada hawada siiya ilaa waqtigaasi, kadibna xaaladeeda ayaa ka dartay maalmihii la soo dhaafay, saaka waqti hore ayey geeriyootay. Sida laga soo xigtay wargeysyada maxalliga ah.

Maydka El-Jeddawi ayaa loo wareejin doonaa Qaahira si loogu diyaariyo habraacyada aasitaanka iyadoo ay kormeerayaan koox caafimaad. Qoyskeeda ma uusan sheegin wax damac ah inay tacsi u dhigayaann ilaa iyo hadda.

El-Jeddawi waxay ku dhalatay 6-dii Sebtember 1938 gobolka Ismailia, ka dib waxay u guurtay Qaahira iyada oo la socota walaalkeed ka weyn, si ay ula sii joogto habar yarteed fanaanadii geeriyootay ee Tahia Carioca, oo waxay iska diiwaangelisay iskuulka Franciscan “School for Nuns”, waxayna halkaasi ku baratay luqadaha Talyaaniga iyo Fransiiska, muddo ayey ka shaqeysay dadka fashion-ka xayeysiiya ilaa ay ka gasho dunida wax jilida filmikeedii “Weird” ee 1958, isla sanadkaasna waxay ku guuleysatay magaca boqorada quruxda Miss Masar.

El-Jeddawi waxay guursatay Hassan Mukhtar, oo ahaa goolhayaha kooxda Ismaili iyo kooxdii qaranka ee kubada cagta Masar sanadkii 1970kii, waxayna dhashay gabadheeda kaliya ee Amira, oo iyadu garab taagneyd mudadii ku socotay daweynta.

El Jeddawi waxay ka qeyb qaadatay muddadii ay ku guda jirtay howlaha fanka musalsalooyin fara badan iyo sidoo kale aflaam badan, waxaa ka mid ah riwaayadahii ay ka qeyb gaadatay: Al-Wad Sayed Al-Shaghal (الواد سيد الشغال), Al-Zaeem (الزعيم), Akaber Akaber (اكابر اكابر), al thaclab fi malcab (الثعلب في الملعب), Akhir karam (أخر كرم).

Musalsalooyinka ay ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa: Ibn al Nidam (ابن النظام), (اهلا اهلا بالسكان), (عائلة الحاج متولي), (جوز ماما), (عيش ايامك), (للعداله وجوه كثيرة) iyo kuwo kale oo badan. Waxay fanka Masar kaga jirtay kaalin weyn oo aan la dhayalsan karin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11370 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: