Wararka

Kulan looga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa dhex maray RW Khayre iyo Safiirka EU ee Somalia…


Ra’iisul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Nicolas Berlanga ayaa looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin qabsoomidda doorashada heer qaran, dib-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa hor dhigay Ra’isul Wasaare Kheyre in muhiim tahay in la qabto doorasho loo dhan yahay ayna raali kawada yihiin dhinacyada siyaasada Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa gacan ka geysanaya qabsoomida iyo taageerada doorashada Soomaaliya, waxaana Midowga Yurub horey usoo dhaweeyeen labo nuuc doorasho ay soo bandhigeen guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa loo badinayaa in ay ka dib dhacdo xiligii horey loo qorsheeyay, waxaana siyaasiyiinta mucaardaka shaki badan ka qabaan in mudo kororsi damacsan yihiin Madaxda dowlada hogaamisa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11754 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: