Wararka

Gabar Soomaaliyeed oo ka iibsatay cabitaan maqaayada Starbucks oo loogu qoray magaca ISIS…


Gabar Soomaaliyeed oo kunool gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa xadgudub loogu geystay maqaayad kutaala magaalada St. Paul ee caasimadda gobalka Minnesota xili ay cabitaan ka iibsaneysay.

Gabadhan oo magaceeda kusoo koobtay Caa’isha ayaa sheegtay xili ay cabitaan ka iibsaneysay maqaayadda Starbucks ee ku dhax taala xarunta Ganacsi ee Target loogu qaray cabitaanka magaca Kooxda ISIS .

“Ereyga lagu qoray cabitaanka waa erey dhaawac weyn u geystay sumcada Muslimiinta kunool dhamaan caalamka, markaan cabitaanka soo qabsaday aad ayaan u naxay, waxaan layaabay waqtigan la joogo in qof ku dhiirado in magaca ISIS dad ugu dul qoro cabitaan la iibsaday, ayey tiri Caa’isha.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in ay u dacwootay maamulihii maqyaada balse uusan siin jawaabtii ay fileysay, waxa ayna xustay Caa’isha in maamulaha maqaayada la saftay shaqaalihii xadgudbka u geestay.

Hay’adda CAIR ee u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay xadgudbkan loo geystay gabadhan Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay mas’uul u hadlay Hay’addan in ay sii kordhayaan tacadiyada ka dhanka ah Muslimiinta.

Ugu Dambeyn gabadha Soomaaliyeed ee xadgudubka loogu geystay gudaha maqaayada Starbucks iyo Hay’ada CAIR ayaa si wadajir ah u dalbaday in shaqada laga joojiyo shaqaalihii xadgudubka geystay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: