Wararka

M/weynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa sheegay in cudurka coronavirus laga helay…


Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa si toos ah telefishinka dalkaas ka sheegay in laga helay cudurka Coronavirus.

Madaxweyne Bolsonaro oo 65 jir ayaa si xoogan uga soo horjeeday xakameynta cudurka Coronavirus isaga oo diiday in uu xirto mask, dadkana ku dhiiri-galiyey in aysan xiran sidoo kale dhaliilay dadka buun-buuniya cudurka COVID-19 .

Dalka Brazil ayaa ah dalka labada ee adduunka ugu badan dadka qaba cudurka COVID-19 oo ay u geeriyoodeen dad gaarya 65,000 oo qofood, waxaana laga helay cudurka Coronavirus dad ka badan hal million iyo bar (1.5 million).

Inta aan laga baarin cudurka COVID-19, Madaxweyne Bolsonaro ayaa guriga danjiraha Mareykanka ee Brazil, Todd Chapman kula qadeeyey caasimada dalka Brazil ee Brasilia.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11368 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: