Wararka

Xaal qaado Xuriyo, xurmo waxay kaaga dhigeen xasuuq iyo qax, xalaal waxay kaaga dhigeen…


XAAL QAADO XURIYO
Xurma waxay kaģa dhigeen
xasuuq iyo qarax.
Xaal qaado Xuriyoy hal qabsi waxay kaga dhigeen Hoogayoy Ba’ayeey
Xaal Qaado Xuriyoy xafidaad waxay kaga dhigeen Xatooyo iyo Laalush.
Xaal qaado Xuriyow xalaal waxay kaga dhigeen
Xaraan iyo Booli.
Xaal qaado Xuriyoy wan ka xumahay xaalku sidan
inuu noqda sida xal baa alle keeni xagaaga so socda.
Xamar baa kula qabta xanuunka xal baa alle keeni xagaaga soo socda
Xuriyow xabaalaha dadkii kuu galay mar hadaan la xuseyn Xafladada wayga xaraan iyo xaragooda.
xafladada wayga xaraan
XAAL QAADO XURIYO
Xaal qaado xuriyoy ma seexan xalay xubi an qabo iyo xusuus wa hore.
xaal qaado xuriyoy Xasan ina Barsane xisbigi leegada (SYL) Xajigi ina Suldaan Timacade xariirtey ku sareen xaarami ba xayuubsaday.
xaal qaado xuriyoy xamaali iyo tuug nabadoon an xishoneyn ba xal laga suga.
xaal qaado xuriyoy geesigi Xalane xaruntisa xamar wa hoygi isticmarka cidi kama hadasho
dalka laga xukuma.
xaal qaado xuriyoy xal ba alle keeni xagaag dhow.
XAAL QAADo XURIYO
Xaal qaado xuriyow dadkii xabaalaha ku galay iyo xabsiya dhadheer xaaran quuta bedelay iyo basaas xabasheed.
Xaal qaado xuriyow xafiisyadi waxa buxiyey xikmad laawe iyo xildhibaan xoola doon ah.
Xaal qaado xuriyow xaarami wadaad ku sheeg ah xabadda iyo qaraxa xasuuqa dadkisa xalaaleysto dhiigoda xarunti dalkena xamar bey ku noolyihiin.

Enj. Jiraabey

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: