Wararka

Kenya ayaa u soo xulatay Wasiirka Ciyaaraha Amina Maxamed inay u tartanto jago caalami…


Kenya ayaa Wasiirka Ciyaaraha Aamina Maxamed u xulatay musharraxeeda uga qeyb geli doonto tartanka dalalka caalamka ay ugu jiraan madaxa Ha’yadda Ganacsiga ee Adduunka, doorashada waxay dhici doontaa bisha Agosto.

Waxaa jagadan tartan ugu jiraa ilaa lix dal oo ay labo kasoo jeedaan Afrika, kuwaasoo kala ah, Nigeria, Masar, Kuuriyada Koonfureed, Mexico iyo Moldova.

Cidda ku guuleysata doorashadan waxay baddali doontaa ninka haatan madaxda ka ah Ha’yaddan oo ka soo jeedo dalka Brazil kaas oo xilka ka degaya 31-da bisha Agosto.

Aamina Maxamed ayaa kamid ah dadka loolanka ugu jiro sidii ay ku hanan lahaayeen madaxa Ha’yadda Ganacsiga ee Adduunka

Aamina Maxamed ayaa sannadkii 2013-kii u tartantay kursigan balse waxaa ka guuleystay Robert Azevêdo oo kasoo jeedo Brazil.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11442 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: