Wararka

Maxkamada Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday Askari si gardara ah noloshiisa u dhaafiyey oday…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Nuur Daahir Geedi oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliya, askarigan ayaana lagu helay in uu dil u geystay nin Oday ahaa oo muran dhax maray.

Askarigan xukunka dilka ah lagu riday ayaa agagaarka Isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamarjajab ku dilay 16-kii June oday lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin oo ahaa 70 sano jir iibiya bagaashka fudud, waxa uuna u dilay labo kun Sh. So ah darteed.

Dilkan ayaana dad badan si weyn uga caroodeen, waxa ayna dowlada ka dalbadeen in askarigaasi la marsiiyo ciqaabta dilka u geestay ninka odayga ahaa uu sida gardarada ahaa noloshiisa u dhaafiyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur ayaa sheegay in Maxkamada xukun dil ah ku riday D/Boolis Nuur Daahir Geedi oo dil bareer ahaa u geystay Cumar Xasan Macalin, waxa uuna xusay in askariga racfaan ka qaadan karo xukunkan.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno badan oo dil ah ku riday askar katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo siyaabo kala duwan dad shacab ah ugu dilay Muqdisho, xukunadan maxkamada riday ayaana sanadkan intooda badan la fulin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: