Wararka

Somalia ayaa kaalinta 1aad ka gashay dalalka Carabta dhinca qiimaha jaban ee Internet-ka…


Somalia ayaa kaalinta 1-aad ka gashay dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ka dib markii ay noqotay dalka ugu qiimaha jaban Internetka Carabta oo dhan.

Sida ku cad warbixin uu diyaariyey bogga Cable Halkii GB Somalia waxaa la iibiyaa nus doollar, ($0.5) halka dalka ku soo xiga oo ah dalka Sudan uu Sicirku yahay $ 0.63 doollar.

Dalka Yemen oo ay dagaallada sokeeye la degeen ayaa noqday dalka ugu qaalisan Carabta, waxaana halkii GB la iibiyaa lacag ku dhow $16 dollar,

Waxaa xiga dal kale oo isna ay dagaallo daashadeen oo ah Siiriya kaasoo halkii GB uu ka joogo $7 doollar, iyadoo arrintan ay astaan u tahay khasaaraha iyo dib u dhaca dagaalada sokeeye.

Somalia ayaa horey kaalinta 1-aad uga jirtay Afrika dhanka sicirka jaban ee Internetka, iyadoo dunida oo dhan kaga jirta kaalinta 6aad, waxaana ka qiimo jaban oo kaliya dalalka India, Israel, Kyrgyzstan, Italy iyo qaar kale, waxayna tani ku soo beegmeysaa xili sanadahan dambe ay Somalia ku soo badanayeen Shirkadaha bixiya adeega Internetka oo ku tartamaya suuqa iyo Macaamiisha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10966 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: