Wararka

Cabdicasiis Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb…


Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wafdiga Lafta-gareen hogaaminayay waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada maamulka Galmudug oo la filayo in maanta galinka dambe ka furmo shirka Madaxda maamul goboleedyada isugu imaanayaan.

Saacadaha soo aadan ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Dhuusamareeb gaaraan Madaxweynayaasha maamulka Jubbaland iyo Puntland, halka uu horey Galmudug shalay u gaaray Madaxweynaha Hirshabelle.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11369 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: