Wararka

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegayaa in la xadiday dhaqdhaqaaqa magaalada xili…


Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in la xadiday dhaqdhaqaaqii magaalada, xilli maanta lagu wado in uu ka furmo shirka Madaxda Maamul Goboleedyada.

Ciidamada ammaanka oo si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada ayaa hakad geliyay isu socodkii gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in sidoo kale si ku-meel-gaar ahi loo hakiyay gaadiidkii imaanayay magaalada, ka dib markii ciidan dheeri ah la geeyay kontoroolada laga soo galo magaaladaasi.

Madaxda iyo bulshada reer Galmudug ayaa si weyn ugu diyaargaroobay marti-gelinta shirkaasi, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa inay Dhuusamareeb gaaraan Madaxweyne-yaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa magaalada gaaray ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Dadka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya dhaqdhaqaaqa ka jira Magaalada Dhuusamareeb. Hadalhaynta ugu badan ee baraha bulshada ayaa noqotay shirka maanta loo madlan yahay in uu ka furmo magaaladaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11758 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: