Wararka

Wasiir Itoobiyan ah ayaa Masar ku eedeeyey inay gadaal ka taagantahay degenaanshiyo…


Wasiirka biyaha iyo tamarta dalka Itoobiya Seleshi Bekele ayaa waxa uu ku eedeeyay dalka Masar in gadaal uu ka taaganyahay xasaradaha ka taagan waddankaasi iyo degenaashiyo la’aanta ka jirtay maalmihii lasoo dhaafay ee ka dhashay dilkii loo geystay Fannaankii Oromada ahaa ee Hachalu Hundessa.

Labada dal ayaa ku muransan biya xireenka Itoobiya ay ka sameyneyso Wabiga Nile.

Mashuuraca dhismaha biya xereenkaasi ayaa walaac ku abuuray dowladaha Suudaan iyo Masar, maadaama biyaha Nile-ka baluugga ah ay ku tiirsanyihiin shacabka waddamadaasi.

Qaramada Midoobey ayaa madaxda waddamadaasi ugu baaqday in ay sameeyaan wada hadal seddex geesood ah oo lagu billaabayo wada-hadal sal u noqda in lagu biritaaro nabadda iyo xasilloonida Gobolka

Itoobiya ayaa horay u sheegtay in bishan July ay dib u billaabeyso in ay buuxiso biyo xireenka oo sabab u ah muranka .

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: