Wararka

Shirkii wadatashiga ahaa ee lagu waday inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb oo dib u dhacay…


Dib u dhac kooban ayaa ku yimid shirkii wadatashiga ahaa ee maanta lagu waday inuu Magaalada Dhuusamareeb uga furmo madaxda dowlad goboleedyada dalka ee halkaas ku sugan.

Shirka ayaa si rasmi ah u furmi doona maalinta beri oo Sabti sida laga soo xigtay xubno ka tirsan mas’uuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb.

Maanta oo Jimce ahaa ayay wararku sheegayaan in la isla gartay inay noqoto nasasho iyo is-aragyo kala gaara oo ay yeeshaan madaxda maamul Gobleedyada.

Go’aanka ayaa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah uu dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la ciir ciireysa wafuudii ugu badneyd ee ay horkacayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada oo ay dhooban yihiin ciidamo fara badan oo si aan caadi aheyn u hubeysan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: