Wararka

Matxaf UNESCO u aqoonsan tahay dhaxal adduun ayaa loo bedelay Masjid kaasi oo ka careysiiyey…

FILE-In this Saturday, April 25, 2020 file photo, an aerial view of the Byzantine-era Hagia Sophia, one of Istanbul's main tourist attractions in the historic Sultanahmet district of Istanbul.Turkey's Council of State on Friday, July 10, 2020, threw its weight behind a petition brought by a religious group and annulled a 1934 cabinet decision that changed the 6th century building into a museum. The ruling allows the government to restore the Hagia Sophia's previous status as a mosque.The decision was in line with the Turkish President's Recep Tayyip Erdogan's calls to turn the hugely symbolic world heritage site into a mosque despite widespread international criticism, including from the United States and Orthodox Christian leaders. (AP Photo)

Maxkamad sare oo Turkish ah ayaa shalay go’aamisay in laga noqdo xeer hore oo Hagia Sophia ka dhigay matxaf, taasi oo dhabbaha u xaareysa in dhismahan caanka ah dib loogu celiyo Masjid.

Golaha Qaranka, oo ah maamulka maxkamadeed ee ugu sarreeya Turkiga, kaasi oo 2-dii July ka dooday kiiskan, ayaa shalay nasakhay go’aan ay 1934-kii gaareen golaha wasiirada oo Hagia Sophia ka dhigay Matxaf.

Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa kadib go’aanka ku dhowaaqay in Muslimiinta dib loogu furi doono inay ku tukadaan Hagia Sophia, oo UNESCO ay u aqoonsan tahay inay tahay Dhaxal-Adduun.

Go’aankan ayaa ka carreysiiyey dalal ay ka mid tahay Greece iyo ururo Kirishtan ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa horey usoo jeediyey in dhismahan oo muhiim u ahaa boqortooyadii Kirishtanka ee Byzantine iyo tii Islaamka ee Cusmaaniyiinta dib looga dhigo Masjid.

Dhismaha Hagia Sophia oo ahaa Masjid, kuna yaalla Istanbul, ayaa waxaa matxaf loogu beddelay go’aan ay dowladda Turkiga gaartay 1934-kii, xilligaas oo ahayd sanadihii hore calmaaniyadda uu Turkiga ka dhigay aas-aasaheeda Mustafa Kemal Ataturk.

Hagia Sophia, oo ku yaal Istanbul, ayaa waxay muddo 900 sano ahayd kaniisad, waxaana kadib laga dhigay Masjid-kii ugu muhiimsanaa taariikhda Cusmaaniyiinta muddo 500 sano ah kadib.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: