Wararka

Shirkii wadatashiga ee Madaxda Maamul goboleedyada ayaa si rasmi ah u furmay…


Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug si rasmi ah uga furmay shir wadatashi ah oo ay yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada dalka ee hoostaga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaana furitaankiisa la filayaa in Madaxda kala duwan ee maamul goboleedyada dalka in khudbado ka jeediyaan, waxa ayna Madaxda ka hadli doonaan aragtidooda ku aadan doorashada wali aan lagu heshiin waqtiga ay dhaceyso.

Sida qorshuhu yahay shirkan ayaa socon doona mudo seddax maalin ah, waxaana furitaanka shirka kadib madaxda maamul goboleedyada ay yeelan doonaan kulamo albaabada u xiran yihiin.

Gabo gabada shirka maanta magaalada Dhuusamareeb uga furmay madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa la filayaa in War murtiyeed wadajir ah laga soo saaro ayna uga hadlaan arrimo badan oo xasaasi ah ay kamid tahay doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11786 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: