Wararka

Ciidamada Booliska Balcad ayaa gacanta ku dhigay nin ku labisnaa dharka dumarka sida xijaab…


Ciidamada Booliiska ee ka howlgala degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa xalay gacanta kusoo dhigay nin dhalinyaro ah oo ku labisnaa dareeska dumarku ay xirtaan sida Xijaab iyo Indha Shareer.

Sida aan wararka ku helnay ninkan soo xirtay dharka dumarka ayaa xili uu dhex socday degmada Balcad waxaa ka shakiyay dad ku dhaqan magaaladaasi oo ku wargaliyay laamaha amaanka oo gacanta ku dhigay.

Ninkan dharka dumarka xirnaa oon wali la ogeyn waxa uu yahay iyo ujeedkiisa ayaa ku xiran saldhiga degmada Balcad, waxa ayna Booliiska sheegeen in ninkan baaritaan lagu sameynayo .

Magaalooyin dalka ku yaala ayaa marar badan lagu qabtay rag badan oo xirnaa dareeska dumarka, dadkan la qabtay ayaana lagu helay dambiyo kala duwan oo qaarkood yihiin falal amaanka lidi ku ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10966 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: