Wararka

Jilaaga caanka ah ee India Amitabh Bachchan ayaa la dhigay Isbitaal kadib markii laga helay…

FILE PHOTO: Bollywood actors Amitabh Bachchan (L) and his son Abhishek Bachchan pose for a picture during a party of a new Bollywood production company in Mumbai February 28, 2010. REUTERS/Manav Manglani/

Jilaaga Caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya Amitabh Bachchan oo dadka Soomaaliyeedna u yaqaanaan Cali Dheer ayaa la dhigay Isbitaal kuyaala magaalada Mumbai kadib markii laga helay cudurka Coronavirus.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Amitabh Bachchan ayuu ku xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Coronavirus, waxa uu sidoo kale sheegay in xubno kale oo qoyskiisa kamid ah iyana laga helay cudurkaasi hadana xaaladooda fiican tahay.

Wiil uu dhalay Jilaaga Cali Dheere loo yaqaan oo isna jilaa kale ah laguna magacaabo Abhishek, ayaa isna laga helay cudurka Coronavirus, waxaana jilaagan iyo aabihiis hadda kuwada jiraan Isbitaal kuyaala magaalada Mumbai.

Jilaaga Amitabh Bachchan oo 77-sano jir ah ayaa ka qeyb qaatay jilista in ka badan 200-oo filin, waxa uuna Jilaagan kamid yahay kuwa ugu caansan uguna hantida badan jilaayaasha dalka Hindiya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11442 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: