Wararka

Shacabka reer Bosnia ayaa xusay sanad guuradii 25aad ee ka soo wareegtay xasuuqii Srebrenica…


Shacabka reer Bosnia ayaa xusay sanad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay xasuuqii Srebrenica, ee ay Seerbiyiintii Boosniya ku xasuuqeen in ka badan 8 kun oo isugu jiray rag iyo wiilal yar yar oo kasoo jeeday Muslimiinta Bosnia.

Xasuuqaasi oo noqday kii ugu horreeyay ee ka dhaca Yurub, ka dib dagaalkii labaad ee dunida, ayaa xuska sanadkan loo ogolaaday in ay ka qeybgalaan dad aanan badneyn, sababo la xiriira ka hortaga faafiska coronavirus.

Xasuuqa Muslimiinta Bosnia ayaa bilowday 11-kii July ee sannadki 1995-kii, ka dib markii ay magaalada Srebrenica qabsadeen ciidamo iyo maleeshiyaad ka soo jeeday Seerbiyiinta Bosnia oo uu watay jeneraal Ratko Mladic.

Mladic ayaa Boosniyiinta magaalada u sheegay in aysan baqin oo ay ammaan yihiin, xilli uu billaabay in uu dadka xasuuqo. Muddo 10 maalin ah ayay ku qaadatay in uu xasuuqo 8,000 oo Muslimiin ah oo ay ku jireen wiilal yaryar.

Xuska maanta loo sameynayo dadkii la xasuuqay ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha caalamka oo adeegsanaya muuqaalka tooska ah ee internet-ka.

Waxaa madaxda hadashay ka mid ah Ra’isulwasaaraha Canada Justin Trudeau, Ra’isulwasaaraha Spain Pedro Sanchez, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo Amiirka Britain Prince Charles.

Dhanka kale Madaxweyne Erdogan ayaa Wuxuu ballanqaaday inuu dabagal ku sameyn doono dembiilayaasha xasuuqa kula kacay Muslimiinta reer Bosnia, iyo inuu garab taagan yahay qoysaska dhibanayaasha ee raadinaya caddaaladda, isagoo yiri “Ma ilaawi doonno shuhadadeenna, mana ilaawi doono xasuuqii ka dhacay Srebrenica.”

Madaxweynaha Turkiga wuxuu tilmaamay inkasta oo ay musiibadani jirto, hadana siyaasiyiinta reer Yurub wax cashar ah kama aysan helin xasuuqii Srebrenica, isagoo carabka ku adkeeyay inay jiraan mas’uuliyado waa weyn oo saaran dowladaha iyo ururada caalamiga ah si aysan u soo noqon dambiyada iyo xasuuqa noocaasi oo kale ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: