Wararka

Goodax ayaa Puntland ku eedeeyay inay diideen in ay qeyb ka noqdaan imtixaanka shahaadiga…


Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa sheegay inuu soo dhamaaday calaaqaadkii dhinaca waxbarashada ee kala dhexeeyay Puntland, kadib markii uu ku eedeeyay inay diideen in ay qeyb ka ahaadaan imtixaanka shahaadiga.

Wasiirka ayaa mar kale ku celiyay in aysan wax shahaado ah siin doonin ardayda reer Puntland sidoo kale aqoonsanayn natiijada imtixaaankii lagu qaaday Puntland.

” Anaga weli waxaan qabnaa mabda’ii ahaa imtixaankaan shahaadiga waxay masuuliyad ka saaran tahay Dowladda Federalka, waxaan shahaado siinaynaa cid kasta oo kasoo qeyb gasha. Marnaba ma siinayno cid aan ka qeyb galin,” ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada.

Goodax ayaa tilmaamay inay soo dhamaatay waan waantii sanadkii hore la waday ayna Puntland ku guul daraysatay inay ka qeyb gasho imtixaanka midaysan ee Dowladda Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay ardayda Puntland in ay lumiyeen fursadii ay shahaado ku heli lahaayeen.

Wasiirka Waxbarashada oo la weydiiyay inay siyaasadayeen arrimaha waxbarashada, ayaa ku jawaabay,” Anaga haddii naloo sheego sabab uu arday Puntland ah oo aan ka qeyb galin imtixaanka lagu siin karo shahaado, waan garqaadanayaa.

Puntland ayaa dhawaan qaaday imtixaankeedii shahaadiga oo maalmo ka hor soo gabagaboobay, waxaana ka qeyb galay in ka badan 16,000 oo arday.

Sanadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale ay dhacday, hase ahaatee waan waan la galay ayaa lagu dhameeyay in wasaaraddu fasaxdo shahaadada ardayda Puntland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10966 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: