Wararka

Tababaraha caanka ah ee Liverpool ayaa sheegay inuu kooxda ka tegi doono sanadka 2024…


Tababaraha caanka ah ee Jarmalka ee kooxda Liverpool Jürgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu isaga tago kooxda uu dadaalka badan soo geliyay ee Liverpool taas oo uu guulo waaweyn uu gaarsiiyay.

Tababare Klopp ayaa sheegay in uu kooxdaasi lasii joogi doono ilaa dhamaadka heshiiska oo ku eg sannadka 2024-ka.

Tababare Klopp ayaa ka nasan doona muddo sannad ah garoomada kubadda, marka uu dhammaado heshiiska uu la galay Liverpool balse ma uusan shaacin waxa uu qaban doono markaasi kadib.

Waxa uu tababare u yahay Liverpool muddo sagaal sano ah, marka lagu daro afarta sano ee soo socota.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10966 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: