Wararka

Diyaarad xamuul ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne…


Diyaarad xamuul ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana ka badbaaday saddex qof oo isugu jiray labadii duuliyayaal iyo engineerkii dayaaradda

Dayaaradaan burburtay ayaa waxaa iska lahaa sharikadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya. Waxayna ka soo kicitintay magaalada Jabuuti.

Diyaarad labaad oo sidoo kale ka soo kicitinka dalka Jabuuti oo ay lahaayeen shirkadda Bluebird ayaa u soo gudubtay magaalada Mogadishu ka dib markii ay ku dagi-weysay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beled weyne.

Diyaaradaan oo ah nooca Dash-8 kuna diiwaan-gashay 5Y-VVW ee dalka Kenya ayaa waxay u kireysneyd ciidanka dowladda Mareykanka, waxayna si joogta ah raashiin u keeni jireen ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Sannadkan Soomaaliya, waxay noqotay sannad ay kusoo badanayaan shilalka diyaaradaha. Shilkaan ka dhacay garoonka magaalada Beled Weyne ayaa noqonaya shilkii afaraad muddu ka yar afar bilood.

Shilkii ugu xumaa wuxuu ka dhacay afartii bishii May, kadib markii lasoo riday diyaarad shixnad gargaar sidday oo ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Bardaale, 5 qof ayaa ku dhintay shilkaas.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: