Wararka

RW Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug…


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Waxaa si wadajir ah ay garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Deni ayaa ka tagay Garoowe ka hor inta uusan gaarin RW Khayre, isagoo ku laabtay Garowe si uu uga qeyb galo aaska RW hore ee Somalia Xasan Abshir iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo maalmo ka hor geeriyoodeen isagoo ka dibna ku soo laaban doona Dhuusamareeb.

Raisul Wasaare Khayre ayaa ka qeyb geli doona wejiga labaad ee shirka DF iyo dowlad goboleedyada ee halkaas ka furmaya dhowaan kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyadoo Madaweyne Farmaajo uu ku biirayo shirkaas maalmaha soo socda sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: