Wararka

Nin Soomaali ah ayaa weerar toorey loo adeegsaday ka geystay dalka Norway oo sababay…


Nin Soomaali ah ayaa weerar toorey loo adeegsaday oo sababay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac isugu jira ka geystay magaalo 90-km u jirta magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway.

War kasoo baxay booliska dalka Norway ayaa lagu sheegay in ninkan Soomaaliga ah toorey ku weeraray sadex gabdhood oo kala ahaa gabar cadaan ah iyo labo gabdhood oo kale Soomaali ah xili ay bas raaci rabeen.

Booliska ayaa sheegay in gabada cadaanka ah u dhimatay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray weerarka halka labada gabdhood ee Soomaalida ah la dhigay isbitaal iyadoona mid kamid ah xaaladeeda la sheegay in ay liidato.

Ninka weerarka geystay oo warar soo baxaya sheegayaan in madaxa looga jiray ayaa waxaa xiray ciidamada booliiska Norway, mana jiro wali war rasmi ah oo booliska kasoo saareen weerarkan khasaaraha geystay iyo sababta keentay.

Soomaalida kunool dalka Norway ayaana dhacdadan si weyn u hadal haya, waxa ayna dadka qaar sheegayaan in weerarkaasi ninka geystay madaxa looga jiray.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11412 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: