Wararka

Qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka dagay magaalada Garowe iyagoo ka..


Qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Somalia ayaa Garowe ka dagay iyagoo ka qeyb galaya aaska loo sameynayo madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Garowe madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Labada madaxweyne ayaa soo kala horeeyay iyagoo la socday duulimaadyo kala duwan.

Warar aan haatan helayno waxay sheegayaan in aaska marxuumka dib loo dhigi doono illaa maalinta berito ah, uuna kasoo qeyb gali doono Rai’sal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi culus oo ka imaanaya Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11368 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: