Wararka

Ciidamada Booliska ayaa Mogadishu ka baadi goobaya gabar 14 jir ah oo la waayay warkeeda…


Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka baadi goobaya gabar 14-sano jir ah oo lagu magacaabo Maryan Cabduqaadir Cali Nuur oo labo maalin kahor la waayay warkeeda iyo meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Gabadhan yar loo maleenayo in laga afduubtay degmada Howlwadaag gaar ahaan Suuqa Bakaaraha oo ay adeeg ka doontay.

Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsatay in gacan ka geystaan baadi goobka gabadhaasi yar ee maqan, waxa ayna dadka ku wargalisay cidii xogta gabadhaasi hesha lasoo xariirto numberka gaaban ee Booliska 991.

Ciidamada Booliska ayaana la sheegay in ay wadaan howgalo ay gabadhan ku baadi goobayo, walina si rasmi ah looma oga in gabdhan yar la afduubtay iyo in ay sabab kale u maqan tahay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10966 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: