Wararka

Kheyre ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Garowe si uu uga qeyb galo aaska RW hore…


Rai’sal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee Garowe, waxaana safarka ku wehliya madaxweynayaasha gobol goboleedyada Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle.

Rai’sal Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya aas qaran oo magaalada Garowe loogu sameynayo Allaha u naxariistee Rai’sal wasaarihii hore ee dowladdii Soomaaliyeed ee lagu dhisay Carta, Xasan Abshir Faarax.

Maydka marxuumka oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho ayaa laga sugayaa inay diyaarada sidda Garowe cago dhigato goor dhow.

Rai’sal Wasaaraha iyo wafdigiisa iyo madaxweynaha dowlad goboleedyada Puntland waxay aaska kadib ku laaban doonaan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo berrito hadduu alle idmo ka furmayo shirka dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (10966 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: