Wararka

Dabeylo xooggan ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhuftaan deegaano ka tirsan Bariga Afrika…


Khubadarada saadaasha hawada ayaa ka digaya dabeylo xooggan oo laga cabsi qabo in a ku dhuftaan deegaano ka tirsan Bariga Afrika laga bilaabo Khamiistii shalay.

Qaybta saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dabaleyahan xooggan ay gurayaha saqafka kore ka qaadi karaan isla markaana ay sababi karaan burbur xoogan.

Meelaha ay dabaylahaas ku wajahan yihiin waxaa ka mid ah gobolka waqooyi bari Kenya ee ay soomaalidu degto, sida Gaarisa, Mandheera iyo Wajeer.

Sidoo kale hey’adaha saadaasha hawada ayaa sheegaya in xeebaha Soomaaliya ay ku dhufteen dabeylo xoogan iyo roobab iswata oo khasaarooyin kala duwan geysan kara.

Digniinahan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay ay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia laga dareemayo roobab isdaba joog ah oo wata qabow daran iyo dabeylo, waxaana meelaha ay saameeyeen ka mid ah Muqdusho, Marko, Warshiikh, Caddale iyo meelo kale.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11786 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: