Wararka

Diyaarad gaar ah ayaa lagu keenay Mogadishu arday ka qeyb galeysa Imtixaanka Shahaadiga…


Waxaa saakay diyaarad gaar ah magaalada Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed kasoo qaaday qaar kamid ah ardayda sanadkan ka baxaysa Dugsiga si ay uga qeyb galaan imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga Sare.

Imtixaankan ay u fariisteen kumanaan arday ah ayaa shalay ka bilowday qaar kamid ah gobolada dalka, hasa ahaatee arday dugsiga sare ka baxeysa ee ku nool Baraawe ayaa lagu amray in Marko ama Muqdisho u tagaan ka qeyb galka Imtixaankaasi.

Waalidiinta iyo ardayda dugsiga sare ka baxeysay ayaa cabasho ka keenay in Imtixaanka ku galaan meel ka baxsan magaalada Baraawe iyadoona aanan xili hore lagu soo wargalin una diyaar garoobin safar.

Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in diyaarad u dirtay ardayda ka baxeysa dugsiga sare si ay Imtixaanka ugu galaan magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyiin katirsan Wasaarada sheegeen in xal loo raadinayo maadooyinka Imtixaanka ee seegay ardaydaasi.

Lama oga waxa sababay in Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ardayda looga qaadi waayay gudaha magaalada Baraawe, waxaana xusid mudan in magaalooyinka kale ee dalka Wasaarada waxbarashada geysay imtixaanka halkaasna ku galayaan ardayda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: